Diin XiddigAcademy waa waxbarasho toos ah, oo casriyeesan hadafkeedu waa in loo soo dhaweeyo dadka ay ku adag tahay in ay helaan aqoonta cilmiga diinta oo si sahlan ku baran karaan. kuwaas oo laga yaabee in meesha ay deggan yihiin aan suurta gal ka aheyn in ay ka helaan ama waqtigooda aad u mashquulsan.
Waxaana la baran doonaa maadooyinka Caqiido, Fiqhi, Cilmiga Xadiithka,Tafsiirka Qur’aanka, Siirada, Tarbiyada Caruurta iyo ku hadalka af carabiga.
“Qofkii qaada wado asigoo cilmi raadinaya, Ilaahay wuxuu u fududeeyaa waddada Jannada iyo gelisteeda”
Xadiis saxiix ah
Casharada oo dhan wuxuu ka bixi doonaa dhinaca Zoom-ka, marka uu dhammaado casharada waxaa dib ugu daawan kartaa website-ka Live.xidigacademy.com
Casharada oo dhan wuxuuu bixi doona maalin kasta oo khamiis ah isbuuc walba. saacadu marka ay tahay 18:00 Europe Time.
Qof walba da’diisu ka weyn tahay 15 sano. Ragg & Dumar
Bil walba waa € 15 oo kaliya, waxaadna ku bixin kartaa in sidaxdii billood hal mar aad dhiibto ama lacagta sanadka oo dhan hal mar aad bixiso.
Hadii casharada ku dhaafo waxaad dib ugu daawan kartaa website-ka adigoo mar walba geleysid Student profile -ka gaarka kuu ah.
Fadlan hadii ay jiraan su’aalo kale fadlan nala soo xiriir waxaa sharaf inoo ah in aan ku caawino. Contact Us